Duullimaadyadii Tooska Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo La Hakiyay Ilaa Bisha August

0
621

Duullimaadyadii Tooska Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo La Hakiyay Ilaa Bisha August

Inakstoo aysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ka hadlin Xayiraadda la saaray Duullimaadyadii isaga kala gooshi jirey Nairobi iyo Muqdisho, haddana Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya, Kabtan Gilbert  Kibe oo la hadlay Wargeeyska The Nation ayaa sheegay  in sababo dhanka Ammaanka loo joojiyey Duullimaadyadii Diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi iyo Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in Duullimaadyadda la hakinayo ilaa bisha August 9-da, markaasi oo Dib-u-eegis lagu samayn doono, lana qaadan doono Go’aano ku aadan in Duullimaadyadda dib loo bilaabo iyo inay sii xayirnaadaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadyadda Rayidka ee DFS waxay Jimcihii la soo dhafaay ka codsatay Dowladda Kenya inay dib uga fekeraan Go’aankaasi, kaasi oo xumayn kara xiriirka xooggan ee labada waddan.

Sannadkii 2016-kii, ayey Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay Duullimaadyadii Nairobi iyo Muqdsisho, waxaana Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia lagu amray in ay ku degaan Garoonka Degmadda Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Dowladaha Somalia iyo Kenya waxay bishii September ee sannadkii 2016-kii kala saxiixdeen Heshiis lagu qaaday Xayiraadaasi, kadib, markii aad loo xoojiyey Ammanaka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Si kastaba ha ahaaatee, Xayiradda ay Kenya ku soo rogtay Duullimaadyadii Tooska ee Lbaada caasimadood ayaa waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay Khilaafka Siyaasadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ la filayo inay bisha September dib u bilowdo dhegeysiga Muranka Xuduud-baddeedka oo ay Dowladda Kenya sannadkii 2016-kii ku fashilantay inay keento caddaymaheeda Lahaanshaha Xuduud-baddeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here