Maraykanka oo Bariga Dhexe u diraya Habka difaaca gantaalaha ee Patriot

0
589

Maraykanka oo Bariga Dhexe u diraya Habka difaaca gantaalaha ee Patriot

Maraykanka ayaa Bariga Dhexe u diraya habka difaaca gantaalaha ee Patriot-ka loo yaqaan ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran.

Habkaan ayaa ka kooban, Maraakiibta dagaalka ee USS Arlington, oo ay saaran yihiin diyaarado iyo gawaari badda iyo birrigaba ka dagaallama, waxayna ku biiri doonaan kooxda duqaymaha qaabilsan ee lagu magacaabo USS Abraham Lincoln ee ku sugan gacanka Carabta.

Wasaaradda difaaca ee Pentagon, ayaa sidoo kale sheegtay in qaybta Bambaanooyinka qaabilsan ee US B-52 ay gaareen saldhig kuyaal dalka Qatar.

Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay weerar suurtagal ah oo xooggagiisa ku sugan gobolka uga yimaada dhanka Iran, Iran ayaa hadalkaas ku tilmaantay mid aan qiima lahayn.

Xukuumadda Tehran ayaa daabulidda gantalahan ku tilmaantay “dagaal nafsi ah” oo looga golleeyahay in dalkeeda loogu cago jugleeyo.

Iran ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto hawlaheeda tayaynta uranium-ta nuclear-ka laga sameeyo.

Muxuu Maraykanku ciidamo dheeri ah ugu dirayaa Bariga Dhexe?

Wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegaysa in ciidamadeedu ay ka jawaabayaan khatar suurtogal ah oo ku soo wajahan ciidamadeeda, balse ma aanay bixin faahfaahin intaas dheer oo aan ka ahayn khatartaas la sheegay.

Warbixintii ugu dambaysay ee Jimcihii kasoo baxday Pentagon-ka ayaa lagu sheegay oo kaliya in xukuumadda Washington ay “diyaar u tahay in ay difaacdo ciidamadeeda iyo danaha ay kalleedahay gobolka”, ayadoo wasaaradda difaacu ay intaas ku dartay in aanay doonayn dagaal ay la gasho Iran.

Ku dhawaad 5,200 oo ciidamada Maraykanka kamid ah ayaa haatan lagu daad gureeyey dalka Iran dariska la ah ee Ciraaq.

Habka difaaca gantaalaha Maraykanka ee PatriotLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHabka difaaca gantaalaha Maraykanka ee Patriot

Habka difaaca gantaalaha ee Patriot ayaa ka hortagi kara gantaalaha ballaastiga ah, sawaariikhda cruise-ka iyo diyaaradaha casriga ah.

,Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption,

Saraakiisha Maraykanka ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in marka horeba la qorsheeyey in ay gobolka tagaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee USS Arlington, balse lala sugayey in loo dhammaystiro agabkii ay u baahnaayeen.

Taliska dhexe ee Maryakanka ayaa sheegay in maraakiinbta diyaaradaha xambaara ee loo yaqaan USS Abraham Lincoln ay khamiistii ka gudbeen marin biyoodka Suez.

Wakaalada wararka ee laga leeyahay Iran ee Isna ayaa soo xigatay wadaad sare oo lagu magacaabo Yousef Tabatabai-Nejad, oo sheegay in habka difaaca ee Maraykanku uu soo daad gureeyey uu ku filan yahay “hal gantaal oo burburiya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here