Daacish Oo Sheegtay Inay Bilaabeen Inay Ka Hawl-Galaan Gobal Ku Yaalla Hindiya

0
610

Daacish Oo Sheegtay Inay Bilaabeen Inay Ka Hawl-Galaan Gobal Ku Yaalla Hindiya

Kooxda Daacish waxay markii ugu horreysay ku dhaawaaqday inay  asaastay Dagaalamayaal ka hawl-gala Gobal ku yaalla dalkaasi, kadib, markii dagaal ay  Maleeshiyadooda iyo Ciiddanka Ammaanka ku dhex maray Gobalka Kashmiir lagu dilay mid ka mid ah Maleeshiyadda xiriirka la leh oo lagu magacaabi jirey Ishafq Axmed Suufi.

Wakaalladda Wararka u faafisa Daacish ee AMAQ NEWS AGENCY waxay waqti dambe oo xalay ah ku dhawaaqaday Gobal cusub oo lagu magacaabo Wilaah of Hindi”, isla markaana ay ciiddanka Hindioya khasaaro ku gaarsiiyeen Degmooyinka Amshipora ee Gobalka Kashmir.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hindiya ee mas’uulka ka ah Gobalka Kashmiir oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS wax ka weydiisay sheegashadda Daacish kama uusan jawaabin arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here