Caro ka dhalatay doorashada ke celiska ah ee Turkiga

0
602

Caro ka dhalatay doorashada ke celiska ah ee Turkiga

Xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka Turkiga ayaa maanta shir ku yeelanayaa magaalada Ankara si ay uga wadahadlaan tallaabada xigta kaddib go’aanka meesha looga saaray natiijadii doorashada golaha dowladda hoose oo ay ku guuleysteen mucaaradka.

Guddiga doorashooyinka Turkiga ayaa amar ku bixiyay in doorashada Meeyarka mar kale la qabto bisha June.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii xisbiga haya talada Turkiga ee AK Party ay cabasho ka muujiyeen inay jireen wax isdaba marin iyo ku shubasho.

Mucaaradka waxay ku tilmaameen go’aanka guddiga doorashooyinka mid kasoo horjeedo dimuqraadiyadda isla markaasna ay tahay khiyaamo.

Boqolaal qof ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Istanbul, waxaa ay ku qeylinayeen hadallo looga soo horjeedo dowladda.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay go’aanka guddiga doorashada oo ay ku sheegeen inay su’aal gelineyso kalsoonida lagu qabo guddigaas.

Ekrem Imamoglu ayaa la shaaciyay inuu ku guuleystay doorashada meeyaarka Istanbul bishii April
Image caption: Ekrem Imamoglu ayaa la shaaciyay inuu ku guuleystay doorashada meeyaarka Istanbul bishii April

Ekrem Imamoglu oo ka tirsan xisbiga CHP ayaa bishii hore lagu dhawaaqay inuu ku guuuleystay doorashada Meeyarka magaalada Istanbul kaddib markii uu ka guuleystay musharraxii ka socdan xisbiga madaxweyne Erdogan.

Ekrem Imamoglu wuxuu sheegay in go’aankan uu muujinayo in dalka ay ka jirto nidaamka ku saleysan kaligii talisnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here