Waa sidee xaaladda Maxamed Salax, kadib dhaawicii ka gaaray madaxa?

0
704

Waa sidee xaaladda Maxamed Salax, kadib dhaawicii ka gaaray madaxa?

Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar, Maxamed Salax ayaa bareelle looga qaaday garoonka, ka dib markii uu ku dhaawacmay kulan dhex maray kooxdiisa iyo Newcastle United.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in Salax uu u muuqdo inuu caafimaadkiisa fiican yahay.

Klopp oo warbaahinta Sky Sports la hadlayay kadib ciyaartii dhacday habeenimadii Sabtida ayaa sheegay in baaritaan caafimaad lagu sameyn doono ciyaaryahanka, si loo xaqiijiyo xaaladdiisa dhabta ah.

“Waxyar kadib markii garoonka laga saaray wuxuu isagoo caadi ah ciyaarta qeybteeda dambe ka daawanayay qolka labiska, taasna waxay caddeyneysaa inuu ladan yahay, laakiin waa hubaal inaan ka war sugi doonno baaritaanka ku saabsan xaaladdiisa”, ayuu yidhi Klopp.

 

Maxamed Salax ayaa gool dhaliyay kahor inta uusan dhaawacminLahaanshaha sawirkaBBC SPORT
Image captionMaxamed Salax ayaa gool dhaliyay kahor inta uusan dhaawacmin

Taageerayaasha Salax ayaa aad u walwalay, madaama ciyaaryahanka oo dhaawac madaxa ah qaba laga qaaday garoonka, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo goolhayaha Newcastle Martin Dubrafka.

Arrintan ayaa sababtay in shaki weyn laga muujiyo suurtagalnimada in Maxamed Salax uu ka qeyb qaadan doono ciyaarta la wada sugayo ee ay Talaadada ku ballansan yihiin Liverpool iyo Barcelona, taasoo qeyb ka ah tartanka horyaallada Yurub ee Champions League-ga.

Hase yeeshee, Liverpool ayaa rajo fiican ka qabta in Salax uu caafimaadkiisa taam u noqon doono ka qeyb qaadashada ciyaarta ay ku marti galinayaan Barcelona.

Lugtii hore ee tartanka hadda jooga heerka afar dhamaadka ayaa Liverpool looga soo badiyay 3-0, iyagoo aan wax gool ahna kusoo dhalinin garoonka Barcelona ee Camp Nou.

Taageerayaasha Liverpool ayaa rajo ka qabay in Salax uu badbaadin karo marka la isugu yimaado garoonkooda Anfiel, inkastoo ay rajadoodu liidato.

26 jirkan ayaa sidoo kale haddii dhaawiciisu uu halis noqdo waxa uu seegi karaa kulanka muhiimka u ah kooxdiisa ee ugu dambeeya horyaalka Premier League-ga.

Liverpool ayaa la ballansan kooxda Wolverhampton Wanderers oo aad looga baqo marka ay la ciyaarayaan kooxaha waaweyn ee horyaalka Ingiriiska.

Natiijada kulankaas ayaa ku xiran in Liverpool ay rajo ka yeelato in ay horyaalka ku guuleysato, waxaana haddii ay guul helaan ay sidoo kale u baahnaan doonaan in Manchester City ay hoos u dhac sameyso.

Liverpool waxaa inta xilli ciyaareedka ka harsan ka maqnaan doona weeraryahankooda Roberto Firmino, kaasoo dhaawac la ildaran.

Macallin Klopp ayaa ku khasbanaanaya inuu ku tiirsanaado ciyaartoydiisa inta badan dib laga soo galiyo ee kala ah Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge iyo Divork Origi.

Hase ahaatee Sadio Mané ayaa laga dhowrayaa inuu isbaddal la yimaado kulamada muhiimka ah ee foodda kusoo haya kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here