Jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar oo dhalashadiisa lagu muransan yahay

0
1247

Jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar oo dhalashadiisa lagu muransan yahay

Xiddiga shirkadda filimada ee Bollywood Akshay Kumar ayaa ka hadlay muranka ka taagan muwaadinnimadiisa, waxaana uu in muddo ahba dadaal ugu jiray inuu madmadowga ka saaro dhalashiisa Hindiya, sida aan kasoo xigannay telefishinka NDTV.

Kumar oo ah nin habkiisa jilitaanka filimada ay dad badan jecel yihiin ayaa heysta dhalasho dalka Canada ah, waxaana taasi ay horseedday caqabad kasoo wajahday sharciga dhalasho ee dalkiisa hooyo.

Atoorahan 51 jirka ah ayaa ka jawaabay hadal-heynta la xiriirta dhalahsdiisa, taasoo maalmihii lasoo dhaafay hareysay warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada.

Isagoo u muuqday in arrimahan la isla dhex marayo uusan ku faraxsaneyn ayuu maalintii Jimcada ahayd soo saaray bayaan uu ku sheegayo inuusan fahmin “sababta arrintan diiradda loo saarayo iyo in dhinaca xun oo kaliya laga eego”, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay tahay “arrin shakhsi ahaan isaga u khuseysa cid kalena aan saameyn ku yeelaneynin”.

“Runtii anigu ma fahmin faa’iidada ku jirta in dhinaca xun laga eego muranka ku saabsan dhalshadeyda. Waligey ma aanan qarinin mana inkirin inaan leeyahay baasaboor Canada ah”, Kumar ayaa sidaas kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Waxaa kale oo xaqiiqo ah in aanan Canada booqanin toddobadii sano ee lasoo dhaafay. Hindiya gudaheeda ayaan ka shaqeeyaa, waxaana bixiyaa dhammaan canshuuraha Hindiya”, ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Akshay Kumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waligey kuma khasbanaanin inaan caddeeyo jacaylka aan u qabo Hindiya, niyad jab ayey igu tahay in arrinta la xiriirta dhalashadeyda ay mar walba noqoto muran soo laba kacleeya, waa arrin shaqkhsiyeed oo dhinaca sharciga ah wax lug ah aan ku lahayn siyaasad, cid ay dhibaato ku tahayna ma jirto”.

Akshay Kumar, ayaa dhawaan hadalheynta warbaahinta qabsaday kadib markii uu wareysi aan siyaasad ku saabsaneyn la yeeshay ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi, xilli ay markaas socotay doorashada guud ee waddankaas.

Akshay Kumar ayaa kasoo muuqday in ka badan 100 filimLahaanshaha sawirkaAKSHAY KUMAR/FACEBOOK
Image captionAkshay Kumar ayaa kasoo muuqday in ka badan 100 filim

Balse maalmo yar kadib waxa uu jilaagu ka war helay in hadal heynta dadweynaha ay usoo wareegtay arrimihiisa khaaska ah, waxaana su’aalo la iska weydiinayaa inuu codeynta ka qeyb qaatay iyo inkale.

Arrinta ayaa cirka isku shareertay markii warbaahinta laga arkay xaaskiisa Twinkle Khanna oo ka codeyneysa magaalada Mumbai, xilli uusan seygeeda Kumar la soconin.

Warbaahinta qaar ayaa soo tabisay in heysashada dhalasho Canada ah ay Akshay Kumar u suurta galin weysay ka qeyb qaadashada codeynta.

Hal bil kahor ayuu Kumar shacabka Hindiya ka codsaday inay cod bixinta doorashada ka wada qeyb galaan.

Kumar oo ay Soomaalidu u taqaanno Mastar Boon ayaa ka mid ah xiddigaha ugu caansan ee shirkadda filimada Bollywood-ka, wuxuuna kasbaday taageero badan.

Xirfaddiisa jilista filimada ayuu soo billaabay sannadkii 1991-kii, filimkiisii ugu horreeyayna wuxuu ahaa ‘Saugandh’

Sannadihii lasoo dhaafay, jilaagu wuxuu kasoo muuqday filimo dhow ah oo ay ka mid yihiin Padman, Toilet: Ek Prem Katha, kuwaasoo diiradda lagu saarayay arrimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here