DEG DEG : Dagaal Markale Ka Dhexqarxay Beelaha Wada Dega Gobolka Sanaag Iyo Dhimasho Ka Qaraxday Dagaalka Labada Beelood Oo Aargoosi Iskugu Jawaabay

0
698

DEG DEG : Dagaal Markale Ka Dhexqarxay Beelaha Wada Dega Gobolka Sanaag Iyo Dhimasho Ka Qaraxday Dagaalka Labada Beelood Oo Aargoosi Iskugu Jawaabay

Hargeysa (Dalmar-News):- Laba qof ayaa ku geeriyooday hal qofna dhaawac culus ayaa soo gaadhay ka dib Colaad markale ka soo cusboonaatay deegaanka gobolka Sanaag Colaadan ayaa waxay ka bilaabmatay ka dib markii nin  ah Habar Yoonis  / Muuse Ismaciil / Muuse Tolwaa Ah  ah uu toogtay nin kale oo Habarjeclo Ah Gaar ahaan Jilibka Biciide “Baho” ah,waxaana islama markiiba ka fal celiyay dilkaasi mid ka mid ah beesha wax laga dilay waxaana uu toogay laba qof oo midna qudh baxay halka kalena dhaawaciisu culus yahay.

Deegaanka mashaqadu ka dhacday ayaa wax yidhaahdaa Dharin Yaxye

Xukumadda Somaliland iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaan ka hadal arrinkan wali,

Dhawaan ayay ahayd markii la soo afjaray colaad ba,an oo deegaankaasi ka taagnayd muddo dheer taas oo sahayatay naflay aad u tiro badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here