Itoobiya: Dayax gacmeedka aan sameeysaneysno gabagabo ayey mareysaa

0
606

Itoobiya: Dayax gacmeedka aan sameeysaneysno gabagabo ayey mareysaa

Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa booqday xaruunta lagu sameeynayo dayax gacmeedka ay Itoobiya leedahay oo marki ugu horreysay ay hawada sare u direyso.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo booqasha ku maraya dalka Shiinaha ayaa booqday dayax gacmeedka uu dalkiisu u sameeynayo Shiinaha iyo halka u marayo.

Dr Abiy oo dayax gacmeedka kormeerayaLahaanshaha sawirkaOFFICE OF PRIME MINISTER
Image captionDr Abiy oo dayax gacmeedka kormeeraya

Seddex sano ka hor ayey Itoobiya iyo Shiinaha galeen heshiis lagu sameeynayo dayax gacmeedkaasi oo ay lacag ahaan ku kaceyso 8 milyan oo doolar.

Waxaana dayac gacmeedka Itoobiya sameyntiisa gacanta ku hayo machadkaka hawada sare ee Shiinaha ee loo yaqanno China Airspace Acadamy.

Machadkan oo waaya aragnimo ka badan 50 sano leh wuxuu wafdiga booqashada ugu yimid uu uu sheegay inuu dayaxgacmeedka dhismahiisa gabagabo uu marayo hawada sarana loo dirayo bisha September 2019-ka.

Dr Abiy oo booqanaya dayax gacmeedka Itoobiya Shiinaha uu u sameeynayoLahaanshaha sawirkaOFFICE OF PRIME MINISTER
Image captionDr Abiy oo booqanaya dayax gacmeedka Itoobiya Shiinaha uu u sameeynayo

Dayax-gacmeedka Itoobiya loo sameynayo oo miisaankiisu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.

Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.

Dayax gacmeedka ItoobiyaLahaanshaha sawirkaOFFICE OF PRIME MINISTER
Image captionDayax gacmeedka Itoobiya

Itoobiyana waxay ka mid noqoneysaa 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here