Madaxweyne Kin John Un Oo Mareykanka Ku Eedeyey In Aanu Daacad Ka Aheyn Shirkii Kuuriyada Waqooyi Dhex Maray

0
693

Madaxweyne Kin John Un Oo Mareykanka Ku Eedeyey In Aanu Daacad Ka Aheyn Shirkii Kuuriyada Waqooyi Dhex Maray

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa waxa uu Mareykanka ku eedeeyay inuu ‘daacadnimo xumo’ ku dhaqmay intii uu bilowga sanadkan socday shirkii uu la yeeshay Madaxweyne Donald Trump, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka ee Korean Central.

Waxa kale oo uu sheegay in nabadda gacanka Kuuriya ay gebi ahaanba ku tiirsanaan doonto habdhaqanka mustaqbalka ee Washington.

Mr Kim ayaa hadalladan ka jeediyay shirkii Khamiistii uu Madaxweyna Ruushka Vladimir Putin kula yeeshay magaalada Vladivostok.

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay casuumaad ah inuu booqasho ku tago Kuuriyada Waqooyi, waxaa sidaasi ku warrantay KCNA.

Booqashada ayaa dhici doonta “waqtiga ugu macquulsan,” wakaalada wararka ayaa intaasi ku dartay.

Kim Jong-un ayaa lagu soo warramayaa inuu Vladimir Putin u sheegay in “xaaladda gacanka Kuuriya iyo gobolkaba ay haatan cakiran tahay ayna gaartay heer xasaasi ah”.

Waxa uu ka digay in xaaladda “ay sideedii hore ku laaban doonto xilli Mareykanku uu la soo baxay habdhaqan iimaan xumo ah oo u goonni ah” intii ay socdeen wadahadalladii dhawaantan la qabtay.

Hadalkan ayaa imanaya todobaad un kaddib markii Pyongyang ay Mareykanka ku eedaysay inuu xagaldaacinayo wadahadallada nabadda.

Wadahadallada u dhaxeeya labada dal ayaa burburay shirkii Vietnam ee la qabtay bishii Febraayo iyadoon wax heshiis ah laga gaarin hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Wadahadalladaas ayaa la sheegay inay u hakadeen dalabka Kuuriyada Waqooyi ee ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran kaddibna ay saxiixi doonto burburinta hubkeeda nukliyeerka, heshiiskaas oo Mareykanku uu ka cagajiiday.

Haddaba intii uu socday shirkii Khamiistii ee magaalada Vladivostok, Madaxweyne Putin wuxuu iskudayay inuu arrinta dhexdhexaadiyo, isagoo sheegay in Mr Kim uu u baahan yahay in beesha caalamka ay damaanad buuxdo siiso haddii ay tahay inuu soo afjaro barnaamijkiisa nukliyeerka.

Mr Kim's train in VladivostokLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMr Kim ayaa waxa uu ku soo safray tareen gaashaaman

Damaanadda noocaas ah ayey tahay in lagu soo bandhigo hannaan ay qeyb ka yihiin dalal badan, hogaamiyaha Ruushka ayaa intaas ku daray.

“Waa inaan dib ugu laabannaa qaab sharciga caalamiga ah, go’aan loogaga gaari karo xaaladaha caalamka, ee aanan la eegayn sharciga dalka ugu xoogga badan,” Mr Putin ayaa sidaasi sheegay.

Mr Kim ayaa waxa uu si diirran u salaamay saraakiisha Ruushka markii uu Arbacadii soo gaaray gudaha dalkaasi.

Waxa uu amaanay shirka isagoo ku tilmaamay “shir macna badan lahaa oo wax badan isku dhaafsaday,” waxa uu sheegay inuu rajaynayo in arrintaas ay dhabbaha u xaari doono “maalmo cusub” oo dhexmara Moscow iyo Pyongyang.

Maxaan shirka ka ognahay?

Wax faafaahin ah lagama bixin heshiisyada cunaqabateynta Mareykanka iyo hubka nukliyeerka Kuuriyada waqooyiba.

Mr Putin ayaa haatan waxa uu u kicitimay shir ka dhacaya dalka Shiinaha, halkaas oo uu sheegay hoggaanka Shiinaha u sheegi doono wadahadallada. Waxa kale oo uu sheegay inuu danaynayo inuu xogta shirka la wadaago Mareykanka.

Sida uu sheegay Afhayeneka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov, Kremlin-ka ayaa waxa uu rumaysan yahay in wadahadallo lix geesood ah oo ku saabsan Kuuriyada Waqooyi ay yihiin kuwa kaliya ee lagu xallin karo wadahadallada nukliyeerka ee gacankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here