Safiirkii Kenya ee Soomaaliya oo dib u bilaabay howshiisa iyo Safiirkii Soomaaliya oo aan howlgelin

0
611

Safiirkii Kenya ee Soomaaliya oo dib u bilaabay howshiisa iyo Safiirkii Soomaaliya oo aan howlgelin

Iyadoo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu caadi ku soo laabtay, kaddib markii muddo kooban uu xumaaday ayaa labada dal waxay isku afgarteen in Safiiradooda dib u bilaabaan howshooda diblomaasiyadeed.

Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo dib u bilaabay howlihiisa diblomaasiyadeed.

Hase ahaatee Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa weli ku laaban Nairobi, waxaana habeen ka hor Amb. Tarsan uu Transit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxaa xilligaas wada hadal dheer loo ogolaaday inuu seexdo Hotel ku yaalla gudaha garoonka, saacadihii uu ku sugnaa garoonka.

Amb. Tarsan ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaa la sheegay inuu dhowr caqabadood ay ka taagan tahay dib u laabashadiisa, waxaana ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo aan weli weli qorin warqadii codsiga aheyd ee dib u laabashadiisa Nairobi iyo arrimo kale.

Dowladda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi inuu dib ugu laabto dalkiisa, halka Safiirkii u joogay Muqdisho ay u yeeratay inuu si degdeg ah u soo galo, iyadoo Kenya xilligaas cabasho ka muujineysay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay shidaal ku jira dhulka badeedka ay sheeganeyso ee uu muranka ka taagan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here