Canug ku dhashay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo la xaday

0
693

Canug ku dhashay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo la xaday

Wararka laga helayo Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka SOS ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay maqribii lagu xaday canug yar oo maalin ka hor ku dhashay isbitaalkan.

Sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay canuga yar ee la xaday ayaa sheegay in Hooyada ay seexatay, isla markaana dadkii la joogay ay u baxeen Salaadii Maqrib, sidaas lagu xaday.

Dhacdadan ayaa waxay dad badan ku abuurtay mid naxdin leh, maadaama aanay horay uga dhicin Isbitaalka in ilmo la dhalay la xado.

Aabaha dhalay canugan oo lagu magacaabo Mustaf ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii arrinta dhacday ay la xiriireen Maamulka Isbitaalka iyo Ilaalada, isla markaana ay garan waayeen meel lala aaday canugooda.

Waxaa uu sheegay in Isbitaalka ay ka jirto dacayaad, taasna ay sabab u tahay in canugooda oo habeen kaliya dhalnaa la xado.

Hooyada dhashay canuga yar ayaa xaalad gashay, waxaana la sheegay inay miir dabooshay oo uu dhiiggu kacay, iyadoo xaaladeeda lala tacaalayo.

Dhacdadan ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho, in ilmo yar oo lagu dhalay Isbitaal la xado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here