Facebook oo dajisatay xogta macamiil ka badan 1.5 milyan

0
1335

Facebook oo dajisatay xogta macamiil ka badan 1.5 milyan

Shabakadda Facebook ayaa qiratay iney “si aan ula kac aheyn” ay u dajisatay xiriirada emailka macamiil ka badan 1.5 malyan oo qof oo boggeeda ogolaansho la’aan u isticmaalo.

Xogaha uu facebook qabtay badankood ayaa waxay yihiin macamiisha cusub oo ku soo biira adeegyada Facebook balse aan diyaarka u ahayn iney xogtooda rasmiga ah ay la wadagaan Facebook si loo xaqiijiyo mcamiishaasi cusub waxa ay yihiin.

Facebook waxay macamiisheda cusub ay weydiisaa furaha e-mailka (password) qofka uu ku furto, kaddibna waxay shirkaddu koobigareeysaa xogaha ama macluumaadka e-mailka ugu jira.

Waxaa kale oo ay Facebook sheegtay iney billaawday sida ay ula macaamileyso macamiisha cusub ee adeegga u soo raadsada si ay uga hortagto khaladaadka dhici kara.

Xogaha Luma

Shirkadda Facebook waxaa kale oo ay sheegtay macamiisha laga qaato xogaha e-mailka ugu keydsan in lagu wargeliyo haddii loo baahdana xogaha iyo dadka ku xiran macamiilka cusub ee dhibaata u keeni kara adeegga Facebook iyada oo aan oggolaanshaha qofka la weydiin xogta sida ay u dhan tahay la tirayo.

Xogha Facebook uu hakiyo ama uu qabto ayaa la aaminsan yahay iney macamiisha ka caawiso iney xiriir wacan ku yeeshaan baraha bulshada xiriirkoodana uu wacnaado.

Presentational grey line

Falanqeynta: Rory Cellan-Jones oo ka faallooda arrimaha Teknooloojiyadda.

Cid kasta oo dooneyso iney ku soo biirto macamiisha adeegga facebook isticmaasho wuxuu nidaamka facebook uu weydiiyaa inuu ku dhufto ‘Yes’ si loo soo dejiyo dhammaan macamiisha kale uu dhanka e-mailka uu xiriirka kala leeyahay.

Waxayna arintaasi gacan ka geeysaneysaa nidaamka isgaarsiinta interneetka inuu noqdo mid hufan oo aan dhibaato lahayn. Balse eedeeymo badan oo ku saabsan inuu Facebook jabsado xogaha shaqsiyaadka u gaarka ah darteed waxaa loo baahday in taxaddar dheeraad ah laga sameeyo arrimahan.

Haddaba Facebook wuxuu qirtay inuu 1.5 milyan oo macamiisha ku cusub bartaasi seddexdi sano oo ugu dambeysay xogtooda uu dajistay iyada oo ay shirkadda oggolaasho ka helin macamiisheeda.

Dad badan ayaa waxay arrintaasi ku abuurtay kalsoonida ay ku qabi karaaan Facebook ee la xiriirta xogtooda sida uu u jabsado iyaga oo aan raalli ka ahayn ay tahay arrin murugteeda leh oo macamiil badan walwal ku abuurto.

Presentational grey line

Shirkadda Facebook wareysi ay la yeelatay bogga Insider ay u sheegtay iyada oo aan oggolaasho ka helin macamiisheeda laga billaabo bishi May 2016-kii iney arrima badan ay beddeshay.

Madaxa ilaalinta xogta shacabka ee dalka Ireland ayaa Facebook ka dalbatay iney Facbook aad uga taxaddarto waxa ay ka sameeyneyso qaaradda Yurub isla-markaana ay shaaca ka qaaddaa sida ay wax u dhaceen iyo saameynta ka dhalatay.

Rep Ocasio Cortez ayaa sheegtay baraha bulshadu iney yihiin 'khatar caafimaad leh'Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionRep Ocasio Cortez ayaa sheegtay baraha bulshadu iney yihiin ‘khatar caafimaad leh’

Horraantii bishi March shirkadda Facebook waxay sheegtay iney jabsatay 600 oo milyan oo xogaha macamiisheeda ah furaha ay ku galaan e-mailadooda iney jabsatay.

Khaladaadka Facebook iyo haleeceynta dhinacya badan uga timaadda ayaa sii hurisay marki ay shaqsiyaad magac leh ama xilal aad u weyn haya xogtooda ay u dhacday iyaga oo aan raalli ahayn.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption.

Xubin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka Alexandaria Ocasio-Cortez waxay sheegtay marki ay aragtay sida ay wax u socdaan ay gabi ahaanba joojisay ‘isticmaalka baraha bulshada’.

Wareysi ay la yeelatay Bogga wararka Yahoo waxay sheegtay “anigu shaqsi ahaan waan joojiyey isticmaalka Facebook, waxaanna billaabay olole ka dhan ah Facebook’.

Waxayna intasi ku dartay iney baraha bulshadu halis weyn ku hayaan ‘Caafimaadka Bulshada’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here