Ciidamada Kenya oo bilaabay howlgal lagu soo furanayo dhaqaatiir Ajnabi lala soo galay gudaha Somalia

0
487

Ciidamada Kenya oo bilaabay howlgal lagu soo furanayo dhaqaatiir Ajnabi lala soo galay gudaha Somalia

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo dhaqaatiir u dhalatay dalka Cubay, kuwaasoo laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Sida wararku sheegayaan koox hubeysan oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa labadan dhaqtar soo afduubtay, waxaana lala soo aaday dhanka xuduuda Soomaaliya, halkaasoo la sheegay in markii hore ka soo tallaabeen kooxdii afduubka geysatay.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kenya ayaa soo gaaray xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay baadigoobayaan labada dhaqtar Ajnabi ee la soo afduubtay.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qaadeyso howlgal looga hortagayo khatarta Al-Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka qaday Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kooxda Hubeysan ee afduubka geystay ayaa dilay Askari Boolis ah oo ilaalinayay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba.

Bilo ka hor ayay aheyd markii haweeney Talyaani ah laga soo afduubtay gudaha Kenya, waxaa la sheegayaa in lala soo aaday gudaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here