Askari Boolis ah oo saaka darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho

0
575

Askari Boolis ah oo saaka darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa saaka Isgoyska Howlwadaag ku dilay darawal mooto bajaaj ah, iyadoo dhaawacay qof kale oo mootada la saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilkan uu ka dhashay muran askariga iyo wiilka darawalka mooyo bajaajka dhex maray, iyadoo wadada xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu rasaas bareer ah ku riday wiilka darawalka waday mootada bajaajka.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii wiil dhalinyaro ah oo mooto bajaaj wadayay lagu dilay Xaafada Buundooyinka, waxaana dilkaas ka dhashay banaan bax rabshado watay oo ay sameeeyeen dhalinyarada mooto bajaajka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska ayaa xilligaas dhalinyaradii dibad baxa dhigayay u balan qaaday in cadaaladda la marsiin doono askariga falka dilka geystay.

Dhacdadan ayaa ka mid ah dhacdooyinka taxanaha ah ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho ee ah dilka darawalada mooto bajaajka ee ay geystaan Ciidamada dowladda, illaa iyo hadda wax xal ah looma helin arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here