Qaramada Midoobey oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Tripoli

0
479

Qaramada Midoobey oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Tripoli

Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay weerar diyaaradaha dagaalka ay shalay ka fuliyeen garoonka kaliya ah ee diyaaradaha ee la isticmaala ee ku yaalla caasimadda Liibya ee Tripoli.

Duulimaadka garoonka diyaaradaha ee caalamiga ee Mitiga ayaa hakad la geliyay, waxaana halkaasi laga daadgureeyay dadkii rakaabka ahaa.

Qaramada Midoobey waxay ku eedeysay duqeynta inay geysteen ciidammo daacad u ah Janaraal Khalifa Haftar oo ah taliye mucaarad ah oo doonayo inuu awood ku qabsado Tripoli.

Afahayeen u hadlay Haftar ayaa sheegay in diyaaradaha rakaabka aanan la bartilmaameedsan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here