Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii u horeeyay ku aaday Imaaraatka Carabta.

0
502

Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii u horeeyay ku aaday Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay uga bilaabaneyso socdaal dhowr cisho ah.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni waxaa garoonka ka sii sagootiyay Kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo mas’uuliyiin kale, wuxuuna Imaaraatka kula soo kulmi doonaa madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiinta shirkada DP World ee gacanta ku heysa dekeda magaalada Boosaaso.

Deni ayaa sheegay inuu kala soo hadli doono madaxda Imaaraatka Carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi, dhoofinta xoolaha oo mudooyinkan joogsatay, sidii loo adeegsan lahaa garoomada Boosaaso iyo Garoowe iyo in dib loo soo celiyo xiriirkii DP World oo xumaaday wixii ka danbeeyay markii la dilay madaxii u qaabilsanaa dekeda Boosaaso.

Arrimaha dhismaha Ciidanka ayuu sidoo kale xusay iney isla soo qaadi doonaan madaxda uu arkayo, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay inuu mira dhal noqdo safarkan.

Si kastaba, socdaalka madaxweyne Deni ee Imaaraatka Carabta, ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu uga boxo dalka tan iyo 8-dii January 2019, iyadoo uu u sii gudbi doono Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here