Tartanka Orodka Gaaban ee Muqdisho oo sanadkii labaad la qabtay+SAWIRO

0
710

Tartanka Orodka Gaaban ee Muqdisho oo sanadkii labaad la qabtay+SAWIRO

Waxaa sanadkii labaad la qabtay Tartanka Orodka gaaban ee Muqdisho, iyadoo lagu maamuusayay Maalinta Isboortiga Nabadda iyo Adduunka, iyo maalinta Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo ku beegan 6-da April, iyadoo loo soo hormariyay maanta inay aheyd maalin jimco ah, isla markaana maalinta berri oo Sabti ahna aanay waddooyinka loo xirin darteed.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay 1,500 oo ruux oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana Tartankan soo qaban qaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo kaashanayay Maamulka Gobolka Banaadir

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankan uu yahay mid ka turjumeysa, horumarkannabadda iyo is dhex galka bulshada, waxaana ay u hambalyeysay ciyaartoydii kaalmaha sare ka galay tartanka Orodka.

Tartankan orodka ayaa waxaa kaalinta koowaad wiilasha ka galay Cabdinuur Maxamed Garaad, halka kaalinta koowaad gabdhaha ka gashay Ruweyda Cabdi Maxamed oo labadaba ka mid ahaa ciyaartoydii degmada Kaaraan uga qeyb gashay tartanka Orodka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here