Ra’iisulwasaaraha Hindiya oo gabar kasoo badbaadiyay Soomaaliya

0
669

Ra’iisulwasaaraha Hindiya oo gabar kasoo badbaadiyay Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa ka qayb qaatay badbaadinta haweenay u dhalatay Hindiya oo Soomaaliya lagu soo warramay in ay jir dil ugu gaysteen reerka uu ka soo jeedo nin dalka Hindiya kasoo guursaday, sida uu shaaciyay wargeyska INDIA TODAY.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Afreen Begum, oo 31 sano jir ah ayaa 28-kii bishii Maarso laga soo badbaadiyey guri ay ku xirnayd tan iyo sannadkii 2018-kii oo ku yaala Muqdisho.

Caasimadda dalka Hindiya ayaa iyada iyo sadexdeeda gabdhood waxa ay ka dagi doonan 2da bisha April.

Hindiya kuma lahan wax safaarad ah gudaha Soomaaliya, saraakiil ka socota safaaradda ku taala dalka Kenya ayaa howshan ka caawiyey booliska dalka Soomaaliya.

Hase yeeshe arrinkan ayaa waxa soo dhexgalay Ra’iisulwasaare Modi, waxa uuna la hadlay maamulka dalka Soomaaliya, isagoo dalbaday in Afreen Begum ay si nabad ah ku timaado gurigeeda magaalada Hyderabad.

Waalidiinta dhalay gabadhan ayaa waxa ay ku noolyihiin deegaanka Basharath Nagar oo ka tirsan Hyderabad.

Qisadan ayaa bilaabatay sannadkii 2013-kii ka dib markii ay guursatay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xusseen Ducaale.

Muddo 8 bilood ah Afreen ma aysan awoodin inay la xirriirto qoyskeeda.

Bishii Febraayo ayaa Afreen aabaheed Syed Gafoor Ali waxa uu booqday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda oo isla markiiba wargelisay safaaradda Hindiya ee ku taala dalka Kenya.

Dadaal badan ka dib waxaa u suura gashay inay helaan halkii ay ku suganayd gabadha.

“Waxa uu ahaa kiis aanan ka heynin wax xog ah. Xaaladda ammaanka ee Soomaaliya ma ahan mid wanaagsan marka taas ayaa sii adkaynaysay baaritaanka”, Ayey dhaheen kooxdii baaritanka waday.

Ka dib markii la soo badbaadiyey waxaa suura geli weysay inay Afreen ka baxdo gudaha Soomaaliya maxaa yeelay waaxda socdaalka ee dowladda waxa ay diidday inay wadato saddexdeeda gabdhood.

“Waxaan sugaynaa inay Afreen si nabad ah uga soo dagto Hindiya. Markaas ka dib kaliya ayaan dhoola cadayn karnaa. Waxaan u mahadcelinaynaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo ra’iisul wasaaraha.” Ayuu yiri Syed Raheem Ali said oo ah Afreen walaalkeed.

Bbc-da ayaa xiriir la sameysay mas’uuliyiinta Soomaaliya, hase yeeshee waxay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here