Dowladda Yemen oo sheegtay inay dishay 30 Somali oo ka garab dagaalamaayay Xuutiyiinta

0
633

Dowladda Yemen oo sheegtay inay dishay 30 Somali oo ka garab dagaalamaayay Xuutiyiinta

Ciidamada Dowladda Yemen ee dagaalka kula jira Kooxda Jabhadda ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in ay dishay boqolaal ka mid ah Ciidamada Xuutiyiinta ka dagaallama Yemen oo ay ku jiraan 30 Soomaali ahayd.

Wargeyska Arab21, ayaa sheegay in Dadka ku dhintay dagaalka oo socday shantii maalmood ee la soo dhaafay uu ka mid yahay Taliye sare oo ka tirsanaa Xuutiyiinta Yemen oo lagu magacaaayay Ibraahim Al Aqra iyo 30 Soomaali ah.

Dowladda Yemen waxaa ay sheegtay in Askarta Soomaalida ee dagaalka ku dhintay ay u shaqeynayeen Xuutiyiinta Yemen.

Arab21 ayaan helin caddeyn arrintan ku saabsan oo dhinaca Xuutiyiinta ah Xiriir ay la sameeyeen kaddib.

Dagaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalooyin dhaca Gobolka Daalic ee dalka Yemen oo dhinaca waqooyiga ku yaalla.

Ciidamada Dowladda Yemen ayaa ku faanay in shantii maalmood ee la soo dhaafay ay dileen ama dhaawaceen 267 qof oo ka mid ahaa Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo ay ku jiraan Soomaalida ay qoratay Jabhadda Xuutiyiinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here