Maxaa ka soo baxay kulanka wafdigii dowlada iyo Saraakiisha ciidankii gadoodsanaa?

0
528

Maxaa ka soo baxay kulanka wafdigii dowlada iyo Saraakiisha ciidankii gadoodsanaa?

Wafdigii ka koobnaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu wehliyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa xalay kulamo xasaasi ah degmada Balcad kula qaatay saraakiisha Ciidamadii ka soo baxay furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle iyo Abaanduulaha Ciidamada Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha ciidamada gadoodsanaa oo markii hore kulankooda waxa uu ka dhacay xeradii hore ee Ciidanka Hiilweyne ayaa markii dambe loo wareejiyey dhinaca Warshadii hore ee dharka Balcad.

Wafdiga ayaa saraakiisha kala hadlay sidii Ciidamadaas dib ugu laaban lahaayeen Xarumihii ay soo baneeyeen, waxaana markii hore aad u adkaatay inay ku qanciyaan Ciidamada dib ugu laabashada goobihii ay soo baneeyeen, iyadoo aan laga qancin waxyaabihi keenay, balse markii dambe ayaa la sheegay iney ogolaadeen inay dib u laabtaan sida laga soo xigtay ilo ku dhow kulankaas.

Labada dhinac ayaa isku-afgartay in Ciidamada dib loogu celiyo Saldhigyadii ay kasoo baxeen, isla markaana xaquuqdii ay lahaayeen ay bixiso Dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Diyaar garow ku aadan Ciidamada doonaya inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ay soo baxeen ayaa saaka ka socda degmada Balcad, iyadoo masuuliyiinta dowlada ee xalay halkaas ku baryey la filayo iney dib ugu soo laabtaan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here