May oo codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK

0
473

May oo codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK

Ra’isul wasaaraha Uk Theresa May ayaa ugu baaqay gudiga midowga Yurub in ay dib u dhigaan waqtiga Uk ay ka baxeyso Yurub.

Marwo May ayaa warqad u qortay madaxweynaha Yurub Donald Tusk waxayna Ka codsatay in dib uu u dhigo ilaa bisha 30-ka June.

Xildhibaanada baarlamaanka Uk ayaa laba mar diiday markii labaad hanaanka ay Ra’isul wasaare May ku dooneyso in looga Baxo Midowga.

Horay ayaa waxaa loo qorsheeyay in 29-ka bishan March ay Uk uga baxdo xubinimada dalalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here