Ninka ugu taajirsan Hindiya oo badbaadiyay walaalkiis oo ay cadaw isku ahaayeen

0
515

Ninka ugu taajirsan Hindiya oo badbaadiyay walaalkiis oo ay cadaw isku ahaayeen

Mukesh Ambani oo ah ninka ugu taajirsan dalka Hindiya ayaa bixiyay deyn lagu lahaa walaalkiis, isagoo ka badbaadinaya inuu xabsi u galo arrintaas awgeed.

Anil Ambani ayaa wajahayay xukun xabsi ah, ka dib markii uu burburay heshiis ka dhaxeeyay shirkaddiisa isgaarsiinta ee (RCom) iyo shirkadda weyn ee Ericsson.

Arrintaas ayaa sababtay in shirkadda Ericsson ay ku yeelato lacag dhan 5.5bn rupees, oo u dhiganta $80 milyan oo doolar, taasoo uu ku bixin waayay waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay maxkamadda u qabatay.

Tallaabadan ayaa waji cusub u yeeleysa xiriir xun oo muddo dheer u dhaxeeyay labada nin ee walaalaha ah.

Shirkadda RCom ayaa ku guul darreysatay fulinta amar ay maxkamadda ugu sarreysa Hindiya ku siisay inay deynta ku bixiso ilaa 15-kii bishii Disembar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Maxkamadda ayaa markaas ka dib ku heshay dambi, iyadoo waqtiga ugu kordhisay muddo 4 isbuuc ah, waxaana xukunka qeyb ka ahaa in haddii uu xilligaas ku bixin waayo xabsiga loo taxaabo.

Maalintii Isniinta ee isbuucan ayey mas’uuliyiinta shirkadda RCom shaaciyeen in lacagtii deynta ahayd la bixiyay.

“Waxaan mahadnaq qalbigeyga ka timid u celinayaa walaalkeyga iga weyn ee qadarinta mudan, Mukesh iyo xaaskiisaa, Nita, waxaan ku faraxsanahay sida ay ii garab istaageen xilligan adag, waxaana halkan ka muujinayaa muhiimadda ay leedahay inaan ku xirnaado qoyskeyga”, ayuu yidhi Anil Ambani.

Labadan nin ee walaalaha ah ayaa muddo dheer cadow isku ahaa, iyagoo ku dagaallamayay hantidii uu aabahood uga dhintay sannadkii 2002-dii, isagoo aan wax dardaaran ahna u reebin.

Sannadkii 2005-dii ayey kala go’een ka dib markii uu muran u dhaxeeyay muddo 7 bilood ah.

Waxa ay waqti dheer daba socdeen kiisas maxkamadeed oo uu mid walba danihiisa ugu doodayay.

Mukesh Ambani oo ah ninka ugu taajirsan dalka Hindiya ayaa lacagtiisa lagu qiyaasay $54 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here