Madaxweyne Trump oo la kulmay ‘madaxweyne Trump kale’

0
512

Madaxweyne Trump oo la kulmay ‘madaxweyne Trump kale’

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweyne ay dad badan ku tilmaameen inuu arrimo badan kala mid yahay Mr Trump.

Jair Bolsonaro oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhawaan ka dhacday dalka Brazil ayaa Mareykanka ku tagay safar u muuqday riyo uu muddo dheer ku taamayay.

Hoggaamiyaha Brazil ayaa si gaar ah ula dhacsan hannaanka maamulka madaxweyne Trump oo uu si shakhsi ah u taageero.

Xulafada garabka midig

Shaki kuma jiro in labada madaxweyne ay waxyaabo badan isku mid ka yihiin, taasoo ah sababta loogu yeeray labo Trump.

Billowgii hore, sidii ay xilalka ugu sarreeya ee waddamadooda ku qabteen wxay lama filaan ku noqotay labada dalba.

Labadooduba waxay aad uga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqyada dadka soo galootiga ah, waxayna diiradda saaraan oo ay wax walba ka hor mariyaan danaha qaran ee dhinaca dhaqaalaha.

Taas waxaa sii dheer, Mr Bolsonaro wuxuu xitaa ol’olihiisa doorashada ku galay isla halkudhigyadii uu xilligii doorashada madaxtinnimada Mareykanka isticmaali jiray Donald Trump.

“Waxaan dooneynaa inaan yeelano Brazil oo dal wanaagsan ah isla sida uu Trump u doonayo Amerika oo wanaagsan”, ayuu yidhi Mr Bolsonaro oo habeenkii Isniinta la hadlayay ururka ganacsiga ee Mareykanka.

Hadalkaas ayaa ah mid si weyn looga yaqaanno gudaha Brazil, oo uu mar walba ka adeegsan jiray.

Labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa'idLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionLabada madaxweyne ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id

Sida uu aaminsan yahay Mr Bolsonaro, xiriir ganacsi oo kaliya ma aha waxa ka dhaxeeya labada dal.

“Waxaan dooneynaa in dunidu ay noqoto mid nabad ah oo qof walba uu xor yahay, waxaana dooneynaa inaan ku dadaalno sidii arrintaas loo hirgalin lahaa”, ayuu yidhi.

Qof taageera Trump

Booqashada uu madaxweyne Jair Bolsonaro ku tagay Mareykanka ayaa aad looga hadal hayaa gudaha dalka Brazil.

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Brazil booqasho ku tago meel ka baxsan dalkiisa, wuxuuna ku billaabay waddanka Mareykanka, taasoo muujineysa muhiimadda ay u leedahay wanaajinta xiriirka xukuumaddiisa iyo tan Washington.

“Waa billowga iskaashi aan diiradda saareyno iyo barwaaqo, waana arrin aan dadka reer Brazil dhammaanteen rajeyn jirnay muddo dheer”, ayuu yidhi markii uu billaabayay safarkiisa ku wajahnaa Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray inay tahay markii ugu horreysay muddo dheer ee uu madaxweyne Brazil u dhashay oo taageersan Mareykanka tago caasimadda Washington.

Donald Trump ayaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha ay isku fikirka yihiin ee dalka Brazil.

“Waxaan mar walba la dhacsanaa Mareykanka, jacaylka aan waddankan u qabana wuxuu sii kordhay kaliya markii aad adigu maamulka la wareegtay”, sidaas ayuu Mr Bolsonaro ku yidhi Madaxweyne Trump, mar ay si wadajir ah u qabanayeen shir jaraa’id.

Xilligaas wuxuu Mr Bolsonaro u hadlayay sidii qf taageera Trump, isagoo waliba ah hoggaamiya mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here