DAAWO: Fanaaniinta Caanka Ka Ah Gayiga Somaliyeed Ee Xasan Adan Samater ,Axmed Cali Cigaal Iyo Cawaale Yare Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

0
786

DAAWO: Fanaaniinta Caanka Ka Ah Gayiga Somaliyeed Ee Xasan Adan Samater ,Axmed Cali Cigaal Iyo Cawaale Yare Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

Fanaanka wayn ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar oo kamid ahaa Hoboladii Waaberi iyo Sidoo kale Fanaanka Axmed Cali Cigaal ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Labada Fannaan ayaa Qayb ka ahaa Wafdiga Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Xasan Aadan Samatar ayaa Sanadihii ugu dambeeyay Ku sugnaa dalka Jabuuti, Waxayna Noqonaysaa markii ugu horaysay ee dalka uu yimaado Tan iyo Burburkii dalka, Wuxuuna horay ugu Hayaamay Qaaradda Yurub.

Dhinaca kale waxaa isaguna kamid ahaa dadka maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho Fannaanka Reer Jabuuti ee Soomaalidu sida wayn u Jeceshahay Cawaalle Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here