Ethiopian Airlines oo loo aqoonsaday Mucjisadii duulimaadka hawada ee Afrika

0
603

Ethiopian Airlines oo loo aqoonsaday Mucjisadii duulimaadka hawada ee Afrika

Shirkada duulimaadka Ethiopian Airlines waxaa gilgilay shilka burburka ku yimid diyaaraddii ay ku dhinteen 157 ka qof ee saarnaa,laakiin waxaa loo aqoonsaday shirkada ugu wanaagsan duulimaadka shirkadaha Afrika.

Waxyaabaha aadka loogu bogaadiyay waxaa ka mid ah sooyaalka badqabka, shaqo wanaagga iyo hufnaanta marka la barbar dhigo shirkadaha kale ee Afrika.

Aqoonsigan diyaarada ugu fiican Afrika 2018 waxaa shirkadan ku heshay guul ay ka gaaratay qiimaha ay ku iibiso tigidhada oo jaban, bixinta adeegyo hufan,taariikhda duulimaadyo nabdoon iyo khadad badan oo duulimaad.

Ethiopian Airlines ayaa ku biirtay shabakada caalamiga ah ee tigidhada Star Alliance Network,shabakadan ayaa u fududeysay in shirkadoodu hesho khadad badan oo ay kula shaqeyso shirkado duulimaad badan sannadkii 2011.

Shirkadan oo ah mida ugu weyn Africa,waxay kamid tahay diyaaradaha ahmiyada goonida u leh qaarada Africa,sannad maaliyadeedkii 2017/2018 waxay sameysay aduun faa’iido dhan of $245m (£187m) sidoo kale waxey qaaday rakaab gaaraya 10.6 million qof.Shirkadan waxaa la bilaabay sannadkii 1945 waxaana sameeyey boqortooyadii ugu danbeeyey Ethiopia ee Haile Selassie,si looga baxo saboolnimada iyo in la sameeyo muuqaal qurxoon, duulimaadkii u danbeeyey ee u dhaxeeyey Cairo iyo Asmara waxey sameysay bishii December sannadkii hore.

Taariikh kooban

-shirkadu waxey shaqeynaysaa 74 sanno

-waxey ka kooban tahay 111 diyaaradood

-waxey sameysaa 127 duulimaad khadeed

– 10.6 million rakaab ayay qaaday 2017/2018

-dakhli dhan $3.1b (£2.3b) sannadkii 2017/2018

waxey faa’iiday $245m (£187m)Tan iyo markii la balaariyay shirkada waxey heshay 111 diyaaradood oo waaweyn marka loo eego kuwa qaarada, kuwaas sameeya 106 duulimaad caalami ah iyo 23 duulimaad oo gudaha ah

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya waa middii ugu horreysay shirkadaha diyaaraaha Afrika ee dalbata in loo sameeyo diyaaradaha Boeing 787 Dreamliner iyo Boeing 757 freighter, sidoo kale shirkaddu waxa ay maalgashi ku sameysay ballaarinta iyo casriyeenta diyaaradaheeda – taasna waxa ay sababtay in shirkaddu ay yeelato diyaaradaha farsamo ahaan ugu dambeeyay ee Afrika.

Celcelis ahaan diyaaraadaha shirkadda Itoobiya waxa ay shaqeynayaan 5.4 sanadood halka kuwa shirkadda diyaaradaha ee British Aairways ay shaqeynayaan 13.5 sanadood, shirkadda United Airlines diyaaradaheedu waxay shaqeynayaanhalka kuwa shirkadda diyaaradaha ee British Aairways ay shaqeynayaan 13.5 sanadood, shirkadda United Airlines diyaaradaheedu waxay shaqeynayaan 15 sanadood halka 10.7 sanadood ay jiraan kuwa American Airlines.

Shirkada duulimaadka Ethiopia waxay ka mid tahay shirkadaha ugu amaanka badan,laakiin waxaa la soo darsay afar shil oo sababay qasaare xoogan,waxaa kamid ahaa shilalkaasi,

Sannadkii 2010 waxaa ku dhintay 89 qof kadib markii diyaarad ay shirkadan lahay ay burburtay markii dab qabsaday shan daqiiqo kadib markii ay ka duushay Beirut.

1988 35 qof ayaa ku dhintay kadib markii shimbir ay gashay matoorka diyaarada kadibna dab qabsaday diyaaradda,markii luguhu u bixi waayeen waqti ay doonaysay in ay caga dhigato garoonka Dahir Bar.

In 1996, diyaarad nooceedu yahay Boeing 767 oo ka duushay Ethiopia waqti ay ku sii jeeday Nairobi ayaa ku dhacday badweynta Hindiya waqti ,shilkan oo ay ku dhinteen 125 qof oo ka mid ahaa 175 rakaabkii saarnaa diyaarada,waxaa dhaliyay afduub loo geystay diyaaradan o o markii danbe dhidaalku ka dhamaaday.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn uga hadlaysa Shilkii u danbeeyey ee ay ku dhinteen 157 qof ee rakaabka ah ee saarnaa diyaarada ay lahayd Ethiopian Airlines ee ku dhacday meel aan ka fogeyn magaalada Adis ababa.

Source-BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here