Shirka Qaramda Midoobay ee arrimaha deegaanka oo maanta furmaya

0
585

Shirka Qaramda Midoobay ee arrimaha deegaanka oo maanta furmaya

In ka badan 4,700 oo isugu jira madaxweyneyaal, wasiiro, ganacsato waaweyn, saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midooobay iyo dad matalaya ururada bulashada ayaa maanta isugu imanaya shir ka dhacaya magaalada Nairobi oo lagu lafa-guri doono deegaanka.

Shirkaan ayaa ah kii afaraad oo socon doono 11ka ilaa iyo 15ka bishan Maarso, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha deegaanka iyo wax soo saarka.

Shirkaan dadka ka soo qeeyb galayo waxa ay ku laba jibaarmayaan kuwii ka so qeeeyb galay kulankii kan ka horeeyay ee dhacay bisihii Decembar ee sannadkii 2017-kii. Waxaana ka soo qeeyb galayo hogaamiyaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Kenya, Emmanuel Macron iyo Uhuru Kenyatta, iyo maareeyaasha shirkadaha waaweyn.

Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijoyin wax ku ool ah, marka uu soo gabagoowo shirkaan shanta maalmod socon doona.

Agendayaasha miiska saaranna waxaa ka mid ah sidii deeganka badda looga difaaci lahaa wasaqeeynta, gaar ahaanna caagagga, sidiii loo yaren lahaa qashinka iyo sidii loo casriyeen lahaa tignoologiyadda, taas oo gacan ga geeysan karto Isbedlka Cimilada.

 

Dad ay abaartu hayso

Go’aamada ka soo baxa shirkaan ayaa waxa ay waddada u xaarayaan heshiiskii Isbedelka Cilmilada ee magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu shirkan waddada u xaarayaa shirka Isbedelka Cimilda ee Qaramada Midoobay ee sannadkan 2019-ka.

Joyce Msuya oo ah sarkaal Qaramada Midoobay u qaabilsan degaanka ayaa dalaka caalamka ugu baaqday, in ay u istaagaan oo ay ka dhabeeyaan dadaallada lagu doonayo in looga hortago Isbedelka Cimilada.

Hay’adda Qaramada Middobay u qaabilsan Deeganka ayaa sheegeysa in intii u dhaxeeysay sannaddadii 1995-tii ilaa iyo 2011-kii ay arrimaha deeganka ku kharash gareeyeen lacag gaareeysa 20 tiriyan oo doolar.

Shirkaan ayaa waxaa sido kale lagu soo bandhigi doonaa cilmi baaris ay sameyeen khuburda deegeenka ee Qaramada Midoobay, waxaana ka mid ah cilmi baaristii ugu dambeeysay oo loogu magac daray ”Qaab muuqaalka Deegaannada Caalamka” oo ay ka qeeyb qaateen 252 seeynisyahano iyo khubro ka kala yimid 70 dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here