Ra’iisul Wasaare Kheyre oo saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo

0
543

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro u badan oo uu hogggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan magaalada Kismaayo oo Caasimad KMG-ah u ah maamulka Jubaland. Ujeedka socdaalka Ra’iisuk Kheyre ayaa la xriira sidii uu kulamo ula soo qaadan lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), iyadoo aan si rasmi ah wali loo shaacin qodobada Miiska saran, walow ay u badantahay in la isla soo qadi doono sidii heshiisyada horudhaca ah ay gaareen loo sii adkeyn lahaa. Amniga guud ee magaalada Kismaayo ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana wada sugaya Ciidamada Jubaland iyo kuwa gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Jimcihii gaaray magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale Khayre uu maanta hore u sii wadanayaa askar amnigiisa qeyb ka qaadata. Wasiiro dowlaha madaxtooyada maamulka Jubaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay iney u diyaar garoobeen soo dhaweynta, isagoo meesha ka saaray iney si gooni ah haatan ula hadlayaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. “ Jubaland wadahadal hada ay gooni ula galeyso dowladda Federaalka majiraan, laakiin intaan ognahay jawi abuur weeyaan waxa loo balansanyahay , dowladda federaalka ahna iyadaa laga rabaa hanaankii ay u xasilin leheyd wadanka, u kalsooni gelin leheyd dowlad goboleedyada, ku dhameyn leheyd khilaafka ragaadi” ayuu Bbc-da u sheegay Wasiir Xirsi. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa labo goor oo hore ka baaqday safarka Kismaayo, sababo la xiriira in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo oo aan isku fahamsaneyn arrimaha Jubbaland iyo qaabka loo soo afjarayo khilaafka siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here