Soomaaliya : Nin wiilkiisa u dilay Alla Bari uu dariska ka soo cunay darteed

0
648

Soomaaliya : Nin wiilkiisa u dilay Alla Bari uu dariska ka soo cunay darteed

Deegaanka xawaadleey ee hoostaga degmada Balcad ee maamul goboleedka Hirshabeelle, waxaa ka dhacday dhacdo dhif iyo naadir ah kaddib markii cunug siddeed jir ah aabbihii dilay, wiilka ayaa sab ama allabari ka soo cunay cid dariskooda ah oo ay mamda’a dhanka diinta ah isku maandhafsan yihiin.

Aabaha ayaa waxa uu haysta fikirka Takfiirka sidaa ayaana keentay in uu dilo wiilkiisa isagooo ciqaab uga dhigaya.

Laakinse markii ay dhibaatadan dhacday, maadaamaa ay dadka deegaanka ku cusbayd arrintaan aad uga caroodeen waxa ayna bilaabeen banaanbaxyo ka dhan ah takfiirka, kadibna waxaa bilowday in la -tuuryeeyo misaajiddada ay ku tukadaan Takfiirka.

Mudane Daa’uud Xaaji oo ah afhayeenka dawlad goboleedka Hirshabeelle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay aad u argagax galisay ayna tahay arrin aan diinta iyo bini’adaadanimadaba sal iyo baar ku lahayn.

 

”Dadka deeganka waa ay is xakameeyn waayeen kadibna waxaa ay dhagaxtuur ku bilaabeen misaajiddada takfiirka oo ay dadka kale u diidi jireen in ay kula tukadaan,”ayuu yiri Daa’uud Xaaji.

Hay’adaha aminiga ayaa arrintan ka war helay kadibna kala erayay dadka banaanbaxa dhigayay waxaana amar lagu siiyay in ay soo xiraan ninka dilay wiilkiisa, waxa uuna hatan ku jiraa gacanta maamulka Hirshabelle.

Afhayeenka ayaa sheegay in haatan ay xaaladda degentay ayna booliska dadka guryahooda ku celiyeen.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=018mGNWkKJY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here