Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Kenya

0
598

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa wada qorshe uu ku dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya oo bishii la soo dhaafay uu xiriirkooda gaaray heerkii ugu xumaa abid.

Kulamo gaar gaar ah oo ay Addis Ababa ku wada qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kaga hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya ay noqoto heer Gobol oo ay doorka ugu weyn qaadato Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka yihiin labada dal.

Wararka ayaa intaa ku daraya Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, sii wadida wadajirka Horumarinta Dekedda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay si gaar ah uga wada hadleen arrinta xiisada Soomaaliya iyo Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii la soo dhaafay xumaaday, kaddib markii dowladda Kenya ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay xaraashtay shidaalka dhul badeedka ay sheeganeyso, waxaana taasi keentay inay u yeerato Safiirkeeda, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya inuu degdeg dalkiisa ugu laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here