Bisad ama Mukulaal Xaafad dariska lacag kasoo xadday

0
790

Bisad ama Mukulaal Xaafad dariska lacag kasoo xadday

Bisad lagu yaqiinay in ay dadka dariska ah kasoo xaddo alaabo kala duwan ayaa hadda la timid tab cusub , waxayna markan soo xadday lacag caddaan ah oo meel la dhigtay.

Haweenayda leh oo lagu magacaabo Rachael Drouet oo degen dalka UK ayaa sheegtay in ay u malaynaysay in mukulaasha ay joojisay dhaqankii xatooyada maadaamaa ay xaafad cusub soo dageen, balse ay kaga yaabsatay markii ay guriga keentay iyada oo afka ku wadata lacag bac ku jirta.

Mar ayay gabadhan ku kaftantay in ay lacag u keento, halkii ay keeni lahayd alaabo aan micno lahayn.

Lacagta ay soo xadday ayaa dhan £25.70 , waxaana meel dhigtay nin caanaha ka ganacsada oo daris la ahaa reerka mukulaasha xanaanaystay.

Bacda ay lacagta ku jirtay.Lahaanshaha sawirkaPAUL EDWARDS
Image captionBacda ay lacagta ku jirtay.

Lacagtii ayaa loo celiyay ninkii lahaa, maadaamaa bacda dusheeda laga akhriyay ciwaanka guriga.

“Waa uu iska qoslay markii lacagta loo celiyay, wuxuuna u arkay wax iska caadi ah oo markasta dhaca” ayay tiri Rachael Drouet

Rachael Drouet iyo TheoLahaanshaha sawirkaKATIE DROUET PHOTOGRAPHY
Image captionRachael Drouet iyo Theo

Ninka ay wada joogaan gabadhan ayaa si kaftan ku jiro u yiri “Waan canaantay Theo, waxaanan u sheegay in aanan la aqbali karin arrintan, raaligalin ayuuna ka bixiyay”.

Rachael ayaa horay baraha bulshada ugu shaacisay dhaqamada mukulaasheeda iyo waxyaabaha ay xaddoLahaanshaha sawirkaRACHAEL DROUET
Image captionRachael ayaa horay baraha bulshada ugu shaacisay dhaqamada mukulaasheeda iyo waxyaabaha ay xaddo

Qof daraaseeya bisidaha Roger Tabor ayaa sheegay in mukulaalaha ay guriga laga leeyahay keenaan waxyaabo raashiin ah oo ay haanta qashinka ka keeneen, balse lacagtu ay tahay wax cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here