Siduu ahaa Jawigu Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Qasrigiisa Madaxtooyada Kusoo dhaweeyey Madaxweyne Cagja

0
889

Siduu ahaa Jawigu Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Qasrigiisa Madaxtooyada Kusoo dhaweeyey Madaxweyne Cagja

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda wuxuu ku dhexmaray Madaxtooyadda Somaliland, waxaana ku wehlinaayay Masuuliyiin kala duwan.

Waxaanay ka wada hadleen labada madaxweyne iskaashiga ganacsi, iyo isdhex-galka labada shacbi ee walaalaha iyo deriska ah.

Ujeedada safarka Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomalida ayaa la xidhiidha dhagax-dhiga wadada Berbera Corridor oo maanta laga dhagax-dhigay duleedka caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa xalay soo gaaray Magaalada Hargaysa ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here