Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay+SAWIRO

0
760

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay+SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxaamed lafta –gareen ayaa maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee Golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la magacaabay iyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore, iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur Galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ka mid yihiin Biyo yarida amniga, Caafimaadka, Waxbasharada, Caddaaladda Iyo furidda waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here