Burundi oo ku baaqday kulan degdeg ah oo dib u eegis loogu sameynayo ka bixitaanka AMISOM

0
601

Burundi oo ku baaqday kulan degdeg ah oo dib u eegis loogu sameynayo ka bixitaanka AMISOM

Dowladda Burundi ayaa ku baaqday kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, si dib u eegis loogu sameeyo qorshaha ka bixitaanka Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Midowga Afrika ee ciidamo gaaraya 1,000 askari looga soo saarayo Soomaaliya, taasoo ah mid ku kooban oo kaliya Ciidankooda.

“Waxaan ognahay in aysan Soomaaliya ku farxin go’aankaas, waana sababta aan ugu baaqeyno shir degdeg ah, si dib loogu eego go’aankaas”ayuu yiri Madaxweynaha Burundi oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Bujumbura, kaddib shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Burundi ayaa dalbatay in qorshaha lagu dhimayo Ciidamada AMISOM loo simo dhammaan dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya, oo aan kaliya lagu koobin Ciidanka Burundi.

Dhamaadka bishan ayaa la qorsheynayaa in illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi laga saaro Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah halka ay ka howlgalaan, waxaana arrintaas walaac ka muujiyay Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here