Wasiirka Arrimahada dibadda Kenya oo Booqasho ku imaneysa Muqdisho.

0
608

Wasiirka Arrimahada dibadda Kenya oo Booqasho ku imaneysa Muqdisho.

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa maanta waxaa hortageysa Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Munica Juma,waxaana ay su’aalo ka weydiinayaan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda Kenya, Ninka Guddoomiyaha ka ah Katoo Metito, ayaa sheegay in Wasiirka ay doonayaan in ay wax ka weydiiyaan khilaafka dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaya una dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasiiradda ay ka doonayaan xogta dhameysiran ee la xiriirta halka ay iskala qaadeen labada dal.

Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ,Macharia Kamau ayaa sheegay in labada dal ay arrintan u dhameyn karaan si hoose,iyada oo markii uu khilaafka billaabanayay aysan wasiiradda joogin Kenya.

Xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho ayaa si hoose isugu afgartay in xaaladda la dejiyo islamarkaana si hoose looga wada hadlo wixii dhacay.

Xog hoose ayaa sheegaysa in Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Munica Juma uu qorshuhu ahaa in ay maanta timaado Magaalada Muqdisho,iyada oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany.

Laakiin Baarlamaanka dalkaasi ayaa u yeeray si ay su’aalo u weydiiyaan,waxaana ay ku sheegeen in arrintan ay muhiim u tahay dadweynaha ay matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here