Ganacsatada Somalida qaadka oo ku dhawaaqay inay joojiyeen qaadkii Kenya uga imaan jiray

0
625

Ganacsatada Somalida qaadka oo ku dhawaaqay inay joojiyeen qaadkii Kenya uga imaan jiray

Ganacsatada Somalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya ayaa gabi ahaanba ku dhawaqay inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi.

Hadalkaan ayaa waxaa Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Somaliyed Qooje Maxamuud Qayliye oo sheegay maanta inay ugu dambeyso qaad laga keeno dalka Kenya.

Wuxuu sheegay inay doorteen garab istaaga dalkooda & dadkooda, islamarkaana Suuqii ganacsiga ee qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeeda, badeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo Siyaasad ah waxaan u dhaafnay Dowladda Somaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadleyda Somaliyed.

Talaabada maanta ganacsatada Somaliyed ay ku dhawaaqeen ee ay ku joojiyeen qaadkii uga imaan jiray dalka Kenya ayaa muujinaysa mid ganacsatada Somaliyed ay ku qaateen go’aan adag oo ay ku garab istaageen dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here