“ Tiro Malahan Dadka Aan Tooriyeeyay..” Nin Hore U Ahaan Jiray Budhcad

0
542

“ Tiro Malahan Dadka Aan Tooriyeeyay..” Nin Hore U Ahaan Jiray Budhcad

Minddi in aa qaato waxaa aan bilaabay anigoo 12 sano jir ah, sabatoo ah qofkasta oo jiilkeena ahaa xilligaasi waa uu qaadan jiray middida.

“Si aad uga mid noqoto shakhsiyaadka caanka ah waa in aad waxyaabo qaar ku dhiirataa, marka sidaa darteed waxaan bilaabay in aan dadka tooriyeeyo. Arrintaasi umana aan sameeynaynin si aan qof xun u noqdo.”

Robert Bragg waxa uu mar ka mid ahaan jiray dadka dambiyada ku geeysta midiyaha.

Waxa uuna 26 sano jirkaan xabsi ku qaatay muddo lix sanadood ah, kadib markii lagu soo eedeeyay dhawr dambi, haatan waxaa Radio 1 Newsbeat u sheegay in uu aaminsanyahay in waqtiyadii hore ee uu dambiyada geeysan jiray ay noloshiisa wax aka baddali lahayd haddii xukunno adag la dul dhigi lahaaa xilliyadaasi.

Haatan waxaa qeeyb ka yahay mashruuc lagu dhiira galinaya caruurta iskuulada dhigata ee gacanta kula jirta dambiyada lagu geesta tooreeyda.

“Waxaa aan dadka u tooriyeen jirnay si ay inoo jeclaadaan kooxda iga waaweyn waxa ayna xilligaasi ila ahayd tallaabo saxan.

“haddii aan dhabta idin kala hadlo, waxa aan tooriyeeyay dad badan.

“Haatan haddii aan halkaan fariisto oo lii yirahdo xisaabi dadkaad middida ku dhufatay ma xisaabin karo sababtoo ah haatan ma xusuusan karo dadkaasi.

“Waxaa nala wanaagsanayd in aan u muuqano dad burcad ah oo qof kasto ka baqo,marka si aan u noqono dad sifadaasi leh, waxa ay noqotay in aan geeysano dambiyo badan.

“Xukunno ad-adag oo lagu rido burcadda mindiyaha wadata, waxa ay ka hor tagi kartaa in dhalinyarada ay qaataan tooriyo.

Tirada dadka lagu tooriyeeyay England iyo Wales sannadkii hore ayaa ahayd tii ugu sareeysay tan iyo intii la bilaabay in la diiwaan galiyo tirada dadka lagu wax yeeleeyo mindiyaha sannadkii 1946-dii.

.

Wasiirka arrimaha gudaha Sajid Javid ayaa oo ka hadlayay Radio 1 Newsbeat ayaa sheegaya in baraha bulshada laga mamnuuco in ay sii huriyaan xaaladda dambiyada ee lagu geeysto mindida.

Robert, ayaa sheegaya in London mindida ay ka tahay wax iska caadi ah oo markaad aroorti soo kacdo oo aad quraacato, qof ayaad toori galineysaa.

“Waa arrin waalli ah sababtoo ah xiliigaasi kuma aanan fakaraynin in aan ruux dilayno.

“Aniga qudheyda marar badan ayaa toori jirkayga laga soo saaray.

“Haatan aad ayaan u baqaa noloshaasina kuma jiro oo waan ka baxay.

“Sababtoo ah ma’ihi qofkii aan ahaan jiray oo haatan mindi ma qaato.

“Waxa aan mar doonayay in aan nolosha is dhaafiyo oo aan is dilo, sabatoo waxaan xaqiiqsaday nolosha dhabta ah ee burcadnimada, waxaana ogaaday in ay tahay nolol khiyaali ah.

“Waxa aan ogaaday in ay khiyaano ahayd oo xitaa wiilasha isku kooxda ahaydeen aysan kaa fakarayn.

“Xaqiiqdii dan kaama ay laha.

” Marka inta aanan is dilin ka hor, ayaa waxa aan nafteeyda u sheegay in aan Allaah u toobad keeno oo aan isaga ka baryo in uu noloshaan qaxarka ah iga saaro.

“Waxa aan aaday kaniisadda, gacmaha ayaana kor u taagay waxa aana iri anigoo ooyaya, Allahayoow I caawi, sidaas ayuuna Ilahay iga saaray noloshii ciqaabta ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here