Mareykanka oo Sheegtay inuu 15 Shabaab ah ku dilay weeraro ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

0
522

Mareykanka oo Sheegtay inuu 15 Shabaab ah ku dilay weeraro ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

Taliska Ciidanka Mareykanka, ayaa ka hadlay laba weerar oo kahsaare lagu gaarsiiyay Shabaab, kaasoo 11-kii bishan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Sh.Hoose.

labada weerar oo isugu jiray mid dhinaca Cirka ah iyo mid dhanka dhulka ah, ayaa waxaa lagu dilay dagaaluahano katirsan Shabaab, kuwaasoo ku sugnaa goobaha la beegsadaya oo kala ah Xero ay ku hayeen Walxaha Qarxa, goob lagu qaadayay Canshuur iyo meelo kale.

qoraal la soo dhigay Twiitterka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 15 qof oo Shabaab ah, weerarka 1-aad ayey Mareykanka sheegeen iney ku dileen 11 Shabaab ah, halka weerarka 2-aad lagu dilay 4 xubnood oo Shabaab ah, waxaana wadarta guud ay ka dhigeysaa 15 Shabaab ah in weerarada lagu dilay.

Mareykanka waxa uu meesha ka saaray in dad Shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay weeraradaasi, iyagoo tilmaamay in doorkooda uu ahaa oo kaliya Caawin oo weerarada xoogiisa ay geysanayeen Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya.

Si kastaba, Shabaab waxey sheegteen in weeraradaas lala eegtay guryo ay daganaayeen dad Shacab ah, waxeyna soo bandhigeen Sawirro ay ku sheegeen iney ahaayeen goobaha la beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here