DEG DEG: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xil ka qaadiDEG DEG: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xil ka qaadis ku sameeyey mid ka mid ah Badhasaabada Gololada iyo Ku Xigeenkiisas ku sameeyey mid ka mid ah

0
731

DEG DEG: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xil ka qaadis ku sameeyey mid ka mid ah Badhasaabada Gololada iyo Ku Xigeenkiisa

Madaxwaynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabka Gobalka Daadmadheedh Iyo Badhasaab Ku Xigeenkii Gobalka Isago Masuuliyiin Cusubna U Magacabay.

WAREEGTO MADAXWEYNE: 14/02/2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-269/022019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol iyo ku xigeenkiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Axmed Diiriye Cabdillaahi
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh

Ku: Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale)

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedhUjeeddo: Xil-ka-Qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In aan masuusiliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Nuur Cismaan Guuleed Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh
2. Maxamed Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here