Dad ajaaniib ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kenya

0
519

Dad ajaaniib ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kenya

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay diyaarad ku burburtay keynta Londiani ee degmad Makutano ee ismuumul goboleedka Kericho oo dhaca gobolka Fift Valley ee dalka Kenya.

Madaxa dhanka booliska Kenya ee dhanka duulimaadyada diyaaradaha rakaabka mr Rodgers Mbithi ayaa arbacada maanta xaqiijyay in diyaarad nooceedu ahaa 205-Y-5 ay ku burburtay shilkaan diyaaradeed.

Dadka saarnaa diyaarada ayaa la sheegay in ay ahaayeen sadex nin iyo laba dumar ah oo ahaa dad cadaan ah, iyadoo aan wali la xaqiijin wadamada ay u dhasheen.

Dhanka kale waxaa wali socda baaritaanka sababta keentay burburkan diyaaradeed ee ka dhacay arbacada maanta ah ismaamulka Kericho ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here