Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ka dambeeyay dilka Ganacsade

0
704

Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ka dambeeyay dilka Ganacsade

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Puntland Jen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen qofkii ka danbeeyay dil habeen kahor magaalada Boosaaso loogu geystay nin ganacsade ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Salaad Cali Cukaash.

Ganacsadaha oo la dilay isagoo ka soo baxay Salaadii Cishaha ee habeen kahor, ayaa ahaa xisaabiyihii guud ee shirkadda ganacsiga Horseed,waxaana lagu toogtay xaafada Raf iyo Raaxa.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo la hadlay Warbaahinta gudaha ee maamulka Puntland.

Howlgalada ka socda magaalada Boosaaso, ayuu sidoo kale sheegay in lagu soo qabtay  rag lala xiriiriyay argagixisonimo, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaalada, kuwaasoo baaritaan lagu wado, iyadoo lagu hayo dadkan xarumaha Baarista ee laamaha amaanka.

Ragga la soo qabtay qaarkood waxaa laga soo saaray Xarumaha Waxbarashada ee magaalada Boosaaso, kuwaasoo la soo far muuqay, wuxuuna Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Puntland Jenaraal Muxudiin Axmed Muuse sheegay in Ciidamada ay awood u leeyihiin iney galaan meel kasta oo ay joogaan Kooxaha danbiyada geysta.

“Argagixisadu waxay gashay jaamcadaha, waxay gashay mac’hadada, waxay gashay iskuulada, waxay gashay meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya” ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Janaraal Muxudiin.

Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland, ayaa sare u qaaday howlgalada ay ka wadaan gobolka Bari, wixii ka danbeeyay 4-tii bishan oo gudaha Dekeda Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here