Hal ruux oo ku dhintay qarax lagu xiray gaari Ciidan oo ka dhacay Degmada Hodan

0
818

Hal ruux oo ku dhintay qarax lagu xiray gaari Ciidan oo ka dhacay Degmada Hodan

Darawalkii waday gaariga ayaa dhintay, kadib markii qarax nooca loo yaqaan dhajiska la sheegay in lagu dhajiyay gaarigaasi oo uu ku qarxay.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa noociisa wuxuu yahay Kaarib ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay gaariga inuu ku shaqeynaayay Taliyaha Ciidamada Booliska ee qaabilsan Beerta Jaadka oo ah goobta Jaadka lagu soo dajiyo Muqdisho.

Sarkaalka ku shaqeynaayay gaarigaan ayaa la sheegay inuusan saarnayn, balse darawalkii waday gaariga ayaa ku dhintay, kadib qaraxa lagu xiray.

Lama garanaayo goobta qaraxan lagula xiray gaariga, balse Saraakiisha ayaa sheegaysa inay suuragal tahay goobtii xalay la dhigay gaarig in qaraxa lagula soo xiray.

Al Shabaab ayaa gaadiidka ay isticmaalaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda qaraxyada noocaan oo kale ugu xiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here