Nigeria: xafiis ay lahaayeen guddiga doorashooyinka oo dab la qabadsiiyey

0
603

Nigeria: xafiis ay lahaayeen guddiga doorashooyinka oo dab la qabadsiiyey

Xafiis ay lahaayeen guddiga doorashooyinka dalka Nigeria ayaa dab la qabadsiiyey ayadoo lix maalmood uun ay ka harsan tahay doorashada guud ee dalkaas oo lagu wado in ay dhacdo Sabtida soo aaddan.

Xafiiska dabka la qabad siiyey oo kuyaallay gobolka Plateau ayaa waxaa ku bas beelay dhammaan qalabkii codbixinta.

Afhayeeen xukuumadda u khadlay ayaa ku tilmaay dhacdadaan in ay tahay gaabis kale oo ku yimid diyaar garoowgii doorashada loogu jiray.

Doorashada guud ee dalkaas ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Sabtida soo aaddan.

Axaddii ayaa madaxweyne Muhammadu Buhari waxa uu ka digay in ay dhacdo wax isdaba marin ku aaddan doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka iyo ka hortagga dambiyada maaliyadda ay soo gudbiyeen cabasho ku aaddan in ay jirto wax isdaba marin lacageed iyo in codadka lakala iibsanayo.

Madaxweyne Buhari ayaa doorashada sabtida dhacaysa u tartamaya xilli xileed cusub, ayadoo 84 million oo qof ay codaynta isu diiwaan galiyeen.

Inkastoo ay jiraan murashixiin badan, haddana dadka wax falanqeeya waxa ay sheegayaan in ninka loollanka ugu adag kula jira Mr Buhari uu yahay madaxweyne ku xigeenkiisa Atiku Abubakar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here