Abiye Axmed iyo Farmaajo oo ka wada hadlay howlgalka Amisom iyo xoojinta xiriirka labada dal.

0
840

Abiye Axmed iyo Farmaajo oo ka wada hadlay howlgalka Amisom iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxwaynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa kulankooda wuxuu qabsoomay markii uu soo gabagaboobay shirkii 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasi oo Axadii furmay.

Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada.

Farmaajo oo ka hadlay shirka AU­da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here