‘Boqol sano jir noqo si sigaar cabbidda laguugu ogolaado’

0
582

‘Boqol sano jir noqo si sigaar cabbidda laguugu ogolaado’

Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka oo kor ugu qaadaya da’da sigaar cabbidda 100 sano jir, taas oo ka dhigan in si wax ku ool ah looga mamnuuco sigaarka inta badan dadka gobolkasi ku nool.

Xeer cusub oo uu soo jeediyey xildhibaanka xisbiga Dimuqraadiga ah, ee Richard Creagan, ayaa dhigaya in da’da oggolanshaha sigaar cabbiddu si degdeg ah u kordhi doonto sannadaha 2020 illaa 2024.

Xeerkan oo keliya u baahan in la ansixiyo, waa haddii aanay dabayl xooggan oo hor istaagta ansixintiisa aanay ka iman shirkadaha ka ganacsada tubaakada, iyadoo oo aan sharciga laga baxayn.

Dr Creagan, oo dhakhtar gurmadka degdegga ahaa, ka hor inta aan loo dooran wakiilka gobolkaasi sannadkii 2014, wuxuu ugu yeedhaa sigaarka “ dilaagii ugu xumaa ee la sameeyo taariikhda aadamaha

Bishii janaweri e 2017, gobolka Hawaii wuxuu noqday gobolkii ugu horeeyey ee Maraykan ka tirsan ee kor ugu qaada da’da sigaar cabbidda 21 sano jir. Gobollada kale da’da sharciga ah ee qof ku cabbi karaa waa da’da 18 sano.

Xeerkan cusub, oo ah xeer lanbar 1509, wuxuu soo jeedinayaa in da’da sigaarka lagu cabbi karo marka hore laga dhigo 30 sano jir sannadka 2020, kaddibna 40 sannadka 2021, kaddibna 50 sannadka 2022 kaddibna 60 sannadka 2023 ugu danbaynna sannadka 2024 laga dhigo qofka raba inuu sigaar cabbo da’diisu ahaato 100 jir!

Xillibaanka xeerkan soo jeediyey ayaa sheegay inaanay dadkooda u oggolaan doonin balwadda iyo la qabsigeedaba.

Dhanka kale, xarunta ilaalinta iyo ka hortagga xanuunada ee marakanka ayaa sheegtay in sigaarku yahay kuwa ugu mudan ee sababa dhimashada aan ka hortagga lahayn e dalkooda.

In ku dhaw milyan badhkii ayaa dalka Maraykanka sannadkiiba xannuuno ay keenaan sigaar cabbiddu u dhinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here