Saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada wadooyinka Kenya oo loo heesto weerarkii Hotelka Dusit

0
533

Saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada wadooyinka Kenya oo loo heesto weerarkii Hotelka Dusit

Maxkamada magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa waxaa ka soo hormuuqday haweeney kenyan ah oo ka tirsan waaxda badbaadada wadooyinka ee loo yaqaan NTSA laguna eedeyay in ay qeyb ka aheyd weerarka lagu qaaday hotel ka xaafada Riversids bartamihii bishii hore.

Maxkamada ayaa waxa la soo taagay saraakiisha kala ah Anthony Mjaka Kadu Jacqueline Githinji,  Cosmas Ngeso Ndritu, Stephen Kariuki Mbaka, iyo Charles Wangocho Ndungu oo dhamaantood ka tirsan saraakiisha badbaadada wadooyinka Kenya.

Ms Githinji ayaa sheegtay in si aan sharci aheyn loogu hayo xabsiga waxaana ay iska fogeysay in gacan ay ka siisay kooxda Al shabaab weerarkii hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Baaritaano hordhac ah oo laamaha amniga kenya sameeyeen ayaa muujinaya in mid ka mid ah gawaaridii loo adeegsaday weerarka oo lanbar diiwaaneed kiisu ahaa KCN 304E ay horay u isticmaalayeen saraakiisha NTSA.

Jacqueline Githinji ayaa sheegtay in taleefanka gacanta iyo Computer-keeda la baaray danbina aysan laheyn waxaana ay ka codsatay in la sii daayo si ilmaheeda ay ula midowdo baaritaankana ay ka gacan siin doonto laamaha amniga.

Si kastaba ha ahaatee maxkamada magaalada Nairobi ayaa diiday codsigan waxaana ay u ogolaatay ciidanka la dagaalanka Argagixisada in 30 maalin ay xabsiga ku sii hayaan shanta ruux si baaritaankooda loo soo kaamilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here