Kenya oo malaayiin doolar oo musuq maasuq loo xaday dib ugu celisay qasnada dowlada

0
607

Kenya oo malaayiin doolar oo musuq maasuq loo xaday dib ugu celisay qasnada dowlada

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigtay lacag ka badan Sh3 billion oo u dhiganta sadex boqol oo kun oo doolar-ka Mareykanka labadii sano ee la soo dhaafay.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Paul Kihara oo warfidiyeenada kula hadlay isniinta maanta ah magaalada Nairobi ayaa sheegay in hantidan ay isugu jirto lacag qaab musuq ah loo xaday iyo mid si aan sharci aheyn loo maray dhaqideeda.

Kihara ayaa intaa raaciyay in 700 oo dacwadood oo la xiriira musuq maasuq ay ka socdaan maxkamadaha Kenya.

Qeyb ka mid ah lacagtaan oo dhan 2 billion oo shilinka kenya una dhiganta laba Million oo doolar ayaa ah hantida ma guurtada ah ee qaranka laga xaday,halka qasnada dhalinyarada adeega guud ee NYS-ta qaab musuq ah looga qaatay 1.2 million.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad ka dhacday hotelka Radisson Blu ee magaalada Nairobi oo looga hadlayay dhaqitaanka ka hortaga lacagta madow.

Agaasimaha dacwad soo oogida guud ee Kenya Nuuradiin yuusuf xaaji iyo saraakiil kale oo ka tirsan gudiga la dagaalanka musuqa ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa madasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here