DEG DEG : Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta kusoo Dhigay ninkii ka danbeeyay dilka Madaxii Shirkadda DP World.

0
525

DEG DEG : Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta kusoo Dhigay ninkii ka danbeeyay dilka Madaxii Shirkadda DP World.

Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland, Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan ninkii geystay dilka Madaxii Shirkadda P&O ee DP World.

Mr. Dhedo, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay oo isku dayayay inuu goobta isaga baxsado, Danbiilaha waxa uu sidoo kale dhaawacay laba askari iyo nin u shaqeynayay Shirkada oo u dhashay dalka Hindiya.

Waxa uu sheegay in ninka dhaawaca ah uu sheegtay inuu kamid yahay Al-Shabaab, haatanna lagu daweynayo Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Marka uu ka soo boxo Isbitaalka, ayuu Gudoomiyaha sheegay inuu la hadli doono Warbaahinta, si uu u soo bandigo waxa ku qasbay toogahsada, Ragga la shaqeeyo ee Shabaabka ah iyo sida uu ku soo gaaray goobta uu dilka ka geystay.

Sanadkii 2014, Maalmo kadib Doorashadii Cabdiweli, Gaas waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Laba nin oo u dhashay Dalka Faransiiska, kana tirsanaa hay’adda UNODC ee la dagaalanka dembiyada iyo daroogada.

Sanadkaan 2019, Maalmo kadib Doorashadii Siciid Deni, waxaa magaalada Boosaaso lagu dilay Nin u dhashay Jaziirada Malta oo madax ka ahaa Shirkada P&O Port ee gacanta kuhaysa Dekada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here