DEG DEG : Militariga Itoobiya Oo La Wareegay Jigjiga+ Xaalada Magaalada Oo Kacsan 

0
552

DEG DEG : Militariga Itoobiya Oo La Wareegay Jigjiga+ Xaalada Magaalada Oo Kacsan

ig Jiga (Dalmar-News):- Xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa degan kaddib markii ciidammada militariga Itoobiya ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga iyo guud ahaan goobaha Muhiimka ah ee Jigjiga.

Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay Saakay xilli hore Ammaanka magaalada la wareegeen, waxaana sidoo kale Ciidamadaasi Ammaanka la sugaya Ciidamada Booliska.

Milatariga Itoobiya ayaa inta badan looga baran in ay soo dhexgalaan magaalooyinka, waxaana  la sheegay in ay kasoo guureen xeradii ay ka deganaayeen duleedka Jigjiga.

Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay.

Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here