Caruur Yaryar Oo U Badheedhay Halis Joogta Ah Si Ay U Heleen Waxbaro Oo Ay U Tegaan Dugsi Ay Wax Ka Soo Bartaan Iyo Qaabka Ay Waajahaan Halistaasi

0
532

Caruur Yaryar Oo U Badheedhay Halis Joogta Ah Si Ay U Heleen Waxbaro Oo Ay U Tegaan Dugsi Ay Wax Ka Soo Bartaan Iyo Qaabka Ay Waajahaan Halistaasi

Waxay hay’addan carruurtaas siineysaa doomo lagu geeyo dugsiga ka dibna looga soo celiyo.

Mashruucan oo lagu magacaabay doonta jaallaha ah ayaa ka billowday fikrad yar oo lasoo dhigay baraha xiriirka bulshada, wuxuuna hadda noqday barnaamij caan ah oo lagu caawiyo dhammaan carruurta u baahan ee ku nool daafaha waddankaas.

Bulshadii ugu horreysay ee deeqda samafaleyaasha heshay waxay ahaayeen qoysas kalluumeysato ah oo deggan jasiirad ka baxsan xeebta magaalada Zamboanga, oo ku taalla gobolka ay dagan yihiin dadka saboolka ah ee Mindanao, kaasoo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka.

Carruurta qoysaskaas ayaa masaafe dhan ilaa 1 kilomitir biyaha ku dhex dabaalan jiray, si ay dugsigooda u gaaraan.

Mararka qaar haddii ay biyuhu badan yihiin carruurta dabaasha taqaanna oo kaliya ayaa ka gudbi karta.

Ma tagi karaan iskuulka ilaa ay ka dabaashaanLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionMa tagi karaan iskuulka ilaa ay ka dabaashaan

“Arrintaas waa mid khatar ah oo aan la isku halleyn karin, xitaa haddii ay yihiin kuwo dabaasha si fiican u yaqaanna, in badan oo carruurta ka mid ahna ma yaqaannaan sida loo dabaasho”, ayuu yiri Jay Jaboneta oo ah aasaasaha hay’adda samafalka ah.

Maadaama dhammaan qoysaska kalluumeysatada ah ay doomahooda u isticmaalaan si ay quutul daruuriga ugu raadsadaan, ma jiraan doomo kale oo ay carruurta u dhaafaan.

Carruurta ayaa isku daya iney baco ku xiraan buugaagtooda iyo dharkooda iskuulka, si aysan uga qoyin inta ay dugsiga u sii socdaan.

“Kama war qabin xaaladdan, markii aan maqlayna aad baan u argagaxay waxaana ku qooray barteyda Facebook”, ayuu yiri Mr Jaboneta oo ku koray meel aan ka fogeyn deegaankaas.

Markii uu farriintiisa Facbook-ga ku codsaday in wax laga qabto xaaladda, Qaar badan oo ka mid ah saaxiibadiis ayaa ka soo jawaabay oo ku yaboohay lacago.

Maanta hay’addan samafalka ah waxay ka howl gashaa guud ahaan dalka Philippines, iyadoo sameysa doomo loogu tala galay iskuullada ku yaalla jasiiradaha dhexdooda, kuwaasoo dhammaan la mariyay rinji jaalle ah oo la waafajinayo kan la mariyo basaska iskuullada.

Doon yar ayuu qiimaheedu yahay qiyaastii $200 oo doolar, waxayna qaadeysaa 6 ilaa 8 carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here