Yoweri Museveni “Waxaa jira waddamo badan oo aan laheyn dowlad maamusha, Soomaaliya ayaa ka mid ah”

0
760

Yoweri Museveni “Waxaa jira waddamo badan oo aan laheyn dowlad maamusha, Soomaaliya ayaa ka mid ah”

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusha, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya.

Yoweri Museveni ayaa hadalkan ka sheegay shir sanadeedka Hey’adda Garsoorka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya aanay laheyn dowlad maamusha.

“Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, laakiin ma haystaan hay’ad abaabulan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale laakiin ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Uganda ayaa xilligan waxaa ka jooga Ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM, sidoo kale waxay Ciidamada Uganda ka hayaan ilaalo xarumaha dowladda, sida Madaxtooyada, Dekeda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan hadalka Madaxweyne Museveni, balse waxaa loo arkaa in aanay dowladdu ku degdegin doono go’aan dhaqse ah oo ay xilligan gaarto, marka loo eego Uganda oo ah mid ka mid ah dalalka Gobolka ugu xooggan, isla markaana Ciidamo fara badan ka joogaan Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka carooday hadalka Madaxweynaha Uganda, iyagoo uga fal celiyay baraha bulshada, hase ahaatee dad kale ayaa sheegaya inuu arkay in Dowladda Soomaaliya aanay xilligan awood laheyn, kuna tiirsan tahay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here